Laamaha Amaanka Soomaaliya oo baaritaan ka wada Muqdisho & wadada Afgooye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Laamaha Amaanka Soomaaliya oo baaritaan ka wada Muqdisho & wadada Afgooye

Mareeg.com: Laamaha Amaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka baaraya gaadiid laga shakiyey in laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Ciidamada Amaanka ayaa Kontoroolada laga soo galo magaalada waxey ku baarayaan gaadiidka, gaar ahaan wadooyinka Muqdisho kasoo gala dhanka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, baaritaanka ayaa ka socda gudaha magaalada Muqdisho, waxaana afhayeenka Waraasadda Amaanka Maxamed Yuusuf sheegay iney ku raad joogaan gaadiid lagu soo xiray walxaha qarxa oo magaalada lasoo geliyey ama kusoo socda.

“Ciidamada Amaanka oo helay macluumaad la xiriira qaraxyo la doonayo in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliya ayaa waxey xalay ilaa saaka howlgal ka wadaan laga soo bilaabo Ceelasha Biyaha ilaa Isgoyska Dabka” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Wuxuu sheegay Maxamed iney jiraan dhowr qof oo loo soo qabtay tuhun la xiriira weerarada Alshabaab qorsheeyeen, islamarkaana ciidamadu sii wadi doonaan howlgallada lagu raadinayo kooxaha qaraxyada wada sida uu yiri.

Ma sheegin afhayeenku wax gaadiid ah oo ilaa hadda la qabtay, hase ahaatee ciidamada ayaa weli ku duga jira howlgalka baaritaanka ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!