Laamaha Amaanka oo Muqdisho kusoo bandhigay gaadiid & rag dilal loo heysto * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Laamaha Amaanka oo Muqdisho kusoo bandhigay gaadiid & rag dilal loo heysto

Mareeg.com: Laamaha Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ay magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay rag la sheegay inay ka dambeeyeen dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Qaasim Axmed Rooble, ayaa u sheegay Saxaafadda in ciidamada ay ku guuleysteen inay soo qabtaan 3 ruux oo mid uu dhaawac yahay, halka labadana kale ay bad-qabaan.

Raggan ayaa la qabtay kadib markii ay shalay maalin cad weerar ku qaadeen boolis ku sugnaa Isgoyska Baar Ubax, kadibna ay dileen sarkaal boolis ah mid kalana dhaawaceen.

Raggan hubeysan iyo askarta dowladda ayaa isku dhex ceyrsaday xaafadaha degamada Wardhiigley, waxaana sida boolisku sheegay lasoo qabtay gaarigii ay wateen oo rasaas badan laa dhacay, mooto lagu qaaday ninkii ka dhawwacmay iyo labo nin aan waxba gaarin.

Qaasim Axmed Rooble, ayaa tilmaamay in raggaasi ay qayb ka ahaayeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, oo ka dambeeyay weerarkii maalinimada Isniinta ka dhacay Isgoyska KM4, laguna dilay Saraakiishii Waaxda Socdaalka ka tirsanaa.

Raggan sadexda ah iyo gaari iyo mooto ay wateen ayaa waxaa la geeyay xarunta dambi Baarista ee CID halkaasi oo booliiska ay ku baarayaan.
Booliska ayaa sheegaya iney weli ku raad joogaan rag kale oo weerarkaan qeyb weyn ka qaatay.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!