Laamaha Amaanka oo howlgal ku qaaday Xaafadda Buulo Xuubey ee Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Laamaha Amaanka oo howlgal ku qaaday Xaafadda Buulo Xuubey ee Muqdisho

Mareeg.com: Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howl-gallo ka sameeyey xaafadda Buulo Buuxbey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Sida ay goobjoogayaal saxaafadda u sheegeen, howlgalka ayaa waxaa lagu qabtay hub iyo dad looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, inkastoo hay’adaha amniga aysan weli ka hadlin howlgalkaas.

“Xaafadda Buulo-xuubey, gaar ahaan dhismayaasha bangaariyada iyo sidoo kale xaafadaha ku dhow ayaa waxaa xalay laga billlabaay howlgallo lagu baarayo guryaha, waxaana lagu qabqabtay hub iyo dad laga shakiyay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka xaafadda.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in hubka la qabtay ay lahay mid ka mid ah hay’adaha ka howlgala Muqdisho, welina ay mas’uuliyiinta ha’yaddaas u imaan hubkooda.

Ciidammo fara badan ayaa lagu arkayaa goobaha ay baraitaannadu ka socdaan iyadoo loo diiday dadku inay ka baxaan guryahooda, sidoo kalena la diiday inay dadku galaan xaafadaha ay baaritaannadu ka socdaan.

“Dadka oo dhan waa loo diiday inay guryahooda ka baxaan, xaafaddana lama soo geli karo. Qof walba gurigiisa ayuu ku jiraa, baaritaankuna weli wuu socdaa,” ayuu hadalkiisa ku daray goobjoogaha.

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa marba xaafad si kedis ah uga dul-dhaca, waxaana Buulo Xuubey ka mid tahay xaafadaha baaritaanku kusoo laalaabto.

Dhanka kale, ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa xalay u dhacay guri ku yaalla degmada Shibis, halkaasoo ay ka qabteen nin ganacsade iyo wiilal gurigiisa la joogay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!