Laamaha Amaanka Oo Howlgal Ka Sameeyey Xaafadda Suuqa Xoolaha Ee Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Laamaha Amaanka Oo Howlgal Ka Sameeyey Xaafadda Suuqa Xoolaha Ee Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Ciidamada ammaanka ayaa saaka howlgallo lagu adkaynayo ammaanka ka billaabay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Waddada dheer ee warshadaha, xaafadaha ku teedsan iyo qeybo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayay ciidamadu ka billaabeen howlgalkooda maanta, iyagoo meelaha qaar baaraya guryaha, sida uu sheegay weriyaha Bar-kulan ee Muqdisho.

Howlgalkan ayaa waxaa si wadajirah u filanaya hey’adda nabadsugidda iyo booliiska, waxaana horkacaya wasiirka amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed, ku xigeenkiisa Taliyaha Nabadsugidda, kan booliiska iyo saraakiil kale, wuxuuna howlgalku ka bilowday waaberigii hore ee saaka xaafado ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Sidoo kale howlgalka ayaa la sheegay in lagu soo qabqabtay dhallinyaro badan oo lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin Shabaab, kuwaasoo ku noolaa xaafadda suuqa xoolaha.

Saraakiisha ciidamadu weli kama aysan hadlin howlgalkan waxaase la rajeynayaa in marka uu soo gebageboobo howlgalka kadib ay la hadlaan saxaafadda.

Howlgalka ayaa daba socda mid habeen ka hor ka dhacay Muqdisho, kaas oo ay mas’uuliyiinta ammaanku sheegeen in lagu adkaynayo nabadgalyada caasimadda, uuna sii soconayo.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!