Laamaha Amaanka Kenya oo heegan la geliyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Laamaha Amaanka Kenya oo heegan la geliyey

Mareeg.com: Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa heegan sare la geliyey kadib markii shalay la wasaaradda gaashaandhiga Mareykanku xaqiijisay in hogaamihii Al Shabaab Axmed Cabdi Godane lagu dilay weerarkii duqeynta Maraykanka ee 1-dii bishan ka dhacay nawaaxiga deegaanka Sablaale ee Shabeelaha Hoose.

Dowlada Kenya ayaa ka cabsi qabta in Al Shabaab ay gudaha Kenya ka geysato weeraro aargudasho ah. Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeedu xalay ka digtay in Alshabaab geystaan weeraro aargoosi ah.

Inta badan hawlgalada amaanka Kenya lagu sugayo ayaa waxaa dhibaato badan kala kulma Soomaalida Kenya oo ay bartilmaamsadaan ciidamada Booliiska Kenya.

Bishii September ee sanadkii hore ayaa weerar Alshabaab la beegsatay xarunta Ganacsiga ee Westgate lagu dilay dad ka badan 70 qof.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah ciidamada Afrika ee gudaha Soomaaliya kula dagaallama xarkada Alshabaab.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!