Laamaha amaanka: 3 gaari & 10 nin ayaa is qarxin raba

Muqdisho – Mareeg.com: Laamaha amaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey magacyada 10 ruux oo ay sheegeen iney doonayaan iney qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka laamaha amaanka Soomaaliya, Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa warbaahinta u aqriyey magacyada 3 nin oo uu sheegay iney kala wataan 3 gaari oo uu sheegay iney fulin rabaan qaraxyo.

Qaasim Axmed Rooble ayaa aqriyey magacayo, lamberadda taleefoonada dadkaasi wataan, taarkada gawaarida ay wataan iyo nuucyada gaadiidkaas.

Sidoo kale, Qaasim Axmed Rooble wuxuu baahiyey magacyada 7 nin oo kale oo uu sheegay iney la howlgelayaan raga wata gaadiidka miineysan, islamarkaana doonayaan iney fuliyaan weeraro toos ah.

Qaasim ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay iney ciidamada amaanka soo wargeliyaan marka ay arkaan dadka magacayadooda la xusay iyo gaadiidka ay wataan.

Alshabaab ayaa horay ugu hanjabay iney weeraro laxaad qaadayaan marka la gaaro bisha Ramadaan, iyadoo lamaaha amaanka Soomaaliya ay dhankooda ku dhawaaqeen howlgal amaan sugid oo loogu magaca daray “Nabad Ku Afur”.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245