Laamaha Amaank oo Muqdisho kusoo bandhigay rag lagu sheegay Shabaab & hub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Laamaha Amaank oo Muqdisho kusoo bandhigay rag lagu sheegay Shabaab & hub

Mareeg.com: Wasaarada amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay oo bandhigtay 8-ruux oo la sheegay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin iyo hub ay wateen.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 8-ruuxa ay yihiin Shabakad ka tirsan Ururka Shabaab oo dilal qorsheysan ka geysan jirtay Muqdisho.

Wuxuu sheegay in laga soo qabtay xubnahaan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib howlgalo ay ciidanka nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Dowlada Soomaaliya ka sameeyeen halkasi.

Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in dadkaan hubka iyo qaraxyada Muqdisho ay kusoo gelin jireen gaadiid yar yar iyo gaari dameero balse laga hortagay oo gacanta lagu soo dhigay.

Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya ayaa marar badan soo bandhiga dhalinyaro la sheegay iney Alshabaab ka tirsan yihiin, hase ahaatee weerarada ayaa weli kasoo socda Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!