Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay: Muhiimaddu Waa In Soomaaliya Mid Noqoto
Muqdisho – Mareeg.com: Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Jan Eliasson oo booqasho ku jooga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegay in UN-ku aaminsan yahay in Soomaalida dan weyn ugu jirto iney mid noqdaan oo midoobaan.
Jan Eliasson oo shalay Muqdisho kula kulmay madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in muhiimadda koowaad tahay in Soomaalidu midoobaan, si ay u gaaraan horumar ballaaran.
“Muhiimada maanta waa in Soomaaliya ay midowdo oo ay mid noqoto, maadaama ay Soomaalidu yihiin dad isku mid ah oo hal dhaqan leh, Hadii ay Midoobaana waxay gaari karaan horumar weyn, waxaana rajeenayaa in dhamaan dhinacyada Soomaaliya isu yimaadaan” ayuu yiri Jan Eliasson.
Kuxigeenka Xoghayaha UN-ka Jan Eliasson ayaa sheegay in Qaramada Midoobay u taagan tahay taageeridda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
“Qaramada Midoobay waxay taageero la garab taagan tahay Dowlada Federaalka hogaankeeda sidii hay’adaha dowlada loo wada gaarsiin lahaa dalka oo dhan, si markaasi Mashaariicda horumarinta dalka u wada gaarto, arrimahaasi oo dhana waxaa fure u ah cadaaladda dhowrista Xaquuqul Aadanaha” ayuu yiri Jan Eliasson oo xarunta Villa Soomaaliya kula hadlayey saxaafadda.
Maamulka Somaliland ayaa diidan midnimada Soomaaliya, hase ahaatee, wuxuu muuddo 22 sano aqoonsi ka la’yahay Qaramada Midoobay ama dal ka mid ah caalamka.
Mareeg.com
Cadaaladii iyo ilaalintii xaquuqda aadanaha baa meesha ka maqan. Waxaa la helay labo shaqaale oo dowlada u shaqeeya oo isku shaqa qabta oo midna uu qaato 200 doolar midka 1000 doolar. Dowlad kuwa u baahan baan koow ka ahay laakiin maahin qof wadanka aan wada leenahay in uu suubinaayo wixii dadka xasuusinaayay cadaalad darooyinkii laga dhaxlay burburkii Soomaaliya ku dhacay 1988 . Xasan sheeq iyo kuwa gurbaanka u tumaayo waa wadadii qaxa wadadaad ku socotaan ee ka jooga waa laydin arkaaye.