Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo maanta la Dooranayo — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo maanta la Dooranayo

Waxaa maanta Magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kursigaas ayaa waxaa Bishii la soo dhaafay iska casilay Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud,waxaana ku tartami doono doorashada la filaayo in Magaalada dhuusamareeb lagu qabto Taliyihii hore ee NISA Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud  iyo Xubno kale oo musharixiin ah.

Doorashada ka dhaceysa Magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa goob joog ka ahaan doono Madaxa Xukuumadda Galmudug Maamulka degmada Dhuusamareeb iyo Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka,kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!