Kurdiyiin ka baxsanaya IS oo ku shubmaya Turkiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kurdiyiin ka baxsanaya IS oo ku shubmaya Turkiga

Mareeg.com: Qaxooti Kurdiyiin ah oo gaaraya 66,000 ayaa u talaabay dhinca dalka Turkiga tan iyo jimcihii, markaas oo ay dowladda Turkiga u furtay xuduudeeda qaxootigaasi.

Waxay ka baxsanayaan dagaalyahanada dowladda Islaamiga kuwaas oo ku wajahan waqooyiga Dalka Suuriya.

Hay’adda Qamarada midoobe ugu qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ay sara u qaadeyso gargaarka, waxayna ka cabsi qabtaa in boqolaal kun oo kale ay ka soo talaabaan xadka.

Kooxda dowladda Islaamiga ayaa waxay gacanta ku haysaa degaano kamid ah Suuriya iyo Ciraaq. Turkiga oo xuduud la wadaaga Suuriya ayaa waxa uu hoyi siiyey in ka badan 840 kun oo qaxooti reer Suuriya ah,

Balse furitaanka xuduuda ayaa waxay sara u qaaday tirada qaxootiga reer Suuriya ee soo gudbaya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!