Kumanaan Xoolo Nool Ah Oo Loo Qeybiyey Dadkii Ku Ceyrtoobay Dufaantii Ka Dhacday Puntland

Read Time:1 Minute, 39 Second

Garowe, Mareeg.com: Xoolo nool oo gaaraya ilaa 15,000 oo neef ayaa shalay loo qeybuyey dadkii ay xoolaha ka galaafatay duufaantii bishii hore ku dhufatay deegaano ka tirsan Puntland.

Gudiga gurmadka oo ay horkacaysay mu’asasada Al-Minhaaj ayaa xoolo u qaybiyeen dadkii Soomaaliyeed ee ku cayroobay roobabkii dabaylaha iyo duufaanta watay ee ku dhufatay degaano ka tirsan Puntland.

Masuuliyiinta mu’asada Al-Minhaaj iyo Culimo’udiin uu hogaaminayo Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa aaday degaanada ku teedsan degaanka Qarxis iyadoo ay la socdeen Madaxweyne Puntland C/raxaam Faroole, qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, Issimo iyo Cuqaal.

Issimada goob jooga ka ahaa xoolaha loo qaybiyey dadka cayroobay ayaa waxaa ka mid ahaa Islaan Ciise, Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Maxamad Garaase, Suldaan Cabdisalaan Maxamuud iyo issimo kale.

Qaybinta xoolahaan ayaa waxaa maamulayey culimada Puntland kuwaasoo ay soo gaareen lacago ay soo ururiyeen dadka Somalida ee jooga gudaha iyo dibada dalka.

Culimada oo ka hadashey goobta xoolo qaybinta ayaa sheegtey iney dadaalkaan galeen kadib markii baaq ka yimid Madaxweynaha Puntland waqtigii ay dhacdey duufaantu kaas oo ahaa in dadka ku xoolo beeley masiibadaan ay tahay taakuleynta loo baahan yahay in loo sameeyo dib u xooleyn si ay uga badbaadaan iney ku xeroodaan xeryo qaxooti.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo la hadlayay qaar kamid ah mareegaha Soomaaliyeed ayaa waxa sheegay in maalintii shalay ahayd la isku keenay ilaa 15,000 kun oo neef oo Ari ah loona asteeyey ilaa 3 goobood oo ay gudiga gurmadka culimadu ay u asteeyeen.

Goobta ugu horeysay oo lagu qaybiyey xoolaha ayaa waxaa la ay ahyd deegaankaTabin waxaana la geeyey ilaa 8600 oo Ari ah, halka tuulo u dhow degaanka Qarxis la geeyey ilaa 5000 oo neef.

Waxaa sidoo kale deegaanka Dabeecadleyna la geeyey Ari ku dhow ilaa 2000 oo neef, isla markaan lagu wado guddiga in ay qeybiyaan qaybin xoolo kale.

Wixii ka dambeeyey markii dufaantu ku dhufatay qaar ka mid ah deegaanada Puntland ayaa waxaa socday dedaalo lagu caawinayo dadkii xoolo belay.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %