Kumanaan Soomaali Ah Oo Laga Soo Daad Gureynayo Dalka Sacuudiga

Read Time:1 Minute, 3 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Kumanaan Soomaali ah oo ku noolaa dalka Sacuudoga iyagoo aan sharci heysan, islamarkaana isu dhiibay dowladda ama lasoo qabtay ayaa Sacuudiga maanta bilaabayaa inuu dib ugo soo celiyo dalkooda hooyo.

Daahir Axmed Wehliye oo ka mid ah qunsuliyadda Soomaaliya ku leedahay magaalada Jiddah ee boqortooyada Saudi Arabia ayaa sheegay in Soomaalida ilaa hadda la hayo ee xabsiyada ku jira ay gaarayaan ilaa 6000 (Lix Kun).

Daahir Axmed ayaa sheegay in maanta dalka Soomaaliya la geynayo ilaa 600 ruux oo isugu jira rag waaweyn, dumar iyo carrur, waxaana dadkaas daad gureynaya shirkadaha diyaaradaha Daalo iyo Juba oo geynaya Muqdisho iyo Hargeysa.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in Soomaalidu bilaabeen iney iska xaadiriyaan goobaha tirxiilka kadib markii dadkii guryaha ka kireystay iska soo saareen oo diideen iney guryahooda sii joogaan dad aan heysan iqaamooo ah deganaashaha Sacuudiga.

“Maalin walba waxaad arkaysaa Soomaali badan oo goobaha tarxiilka jooga si dalkooda loogu soo celiyo, taasina waxay ku timid amar kasoo baxay boqortooyada iyadoo dadkii guryaha lahaa ay diideen iney guryahooda ki jiraan dad aan iqaamo laheyn” ayuu yiri Daahir Axmed oo la hadlay VOA.

Sacuudiga ayaa goor hore ku dhawaaqay iney dalka ka baxaan ajaanibta aan laheyn iqaamada si shaqooyin loogu helo 12% dadka Sacuudiga oo la sheegay iney baagamuudo yihiin.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %