Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka oo hal ariin loo baajiyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka oo hal ariin loo baajiyay

Kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee la qorsheeyay in maanta oo Isniin ah ay isugu yimaadaan ayaa dib loo dhigay illaa iyo maalinta Arbacada ah.

Fariinta loo kala diray xildhibaanada Golaha shacabka ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay kulankaasi illaa maalinta Arbacada ee 31ka bishan, kaasi oo Ajendihiisu ahaa Cudurka halista ah ee COVID-19

“Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri fariinta loo kala diray xildhabaanada Baarlamaanka.

Dib u dhigistan ayaa ka dambeysay kadib markii beesha caalamka ay cadaadis xoog leh ku saareen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoonka Golaha.

Kulanka Baarlamanka oo shaki weyn laga qabay in muddo kordhin loogu sameeyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa hareeyey diidmo xoog leh oo ka timid midowga musharaxiinta, Beesha caalamka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.