Kulankii Golaha Wasiirada iyo war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulankii Golaha Wasiirada iyo war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo goor dhaweyd kulan ugu soo gaba gaboobay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo la xiriira horumarinta howsha wasaaradda maaliyada iyo qorshaha miisaaniyada sanadka 2015.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa waxa dhinac bidix fadhiyay Faarax Sheekh C/qaadir oo sabtidii uu u wareejiyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha, halka Wasaaradiisa Garsoorka loo dhiibay Saalim Caliyow Ibrow, hase ahaatee Faarax C/qaadir ayaa howshiisa sii wata, kadib markii uu Madaxweynaha waxba kama jiraan ku tilmaamay isku shaandheynta uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha.fa

Wasiirka Maaliyada ayaa warbixin ku aadan ka jeediyay qorshaha miisaaniyada sanadka 2015-ka ee dowladda iyo sida kor loogu qaadi karo horumarinta maamulka daqliga Dowladda.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji C/weli oo kulanka markii uu soo gaba gaboobay kaddib la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka golaha wasiirada, isagoo sheegay in kulankaasi warbxin looga dhageystay wasaaradda maaliyada oo ku saleysan horumarinta miisaaniyada dowlada ee 2015-ka iyo sida ku haboon maareynta dhaqaalaha beesha caalamka uu ugu deeqo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan horumarinta daqliga Dowlada soo gala iyo maareynta, iyadoo si weyn dowladu ay ula dagaalameyso musuq maasuqa waxaana si toos ah u shaqeynaya Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka oo howshiisu tahay dabagalka habka dhaqan dhaqaale ee hey’adaha dowladda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.