Mareeg Media
Somalia

Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday (AKHRISO)

9

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in uu baaqday Kulankii 1-aad Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal goordhaweyd kasoo baxay Guddoonka ayaa lagu sheegay in Kulanka uu u baaqday Kooram La’aan,islamarkaana aan la helin tiradii xildhibaanadda kulanka ku furmi lahaa.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa sida uu sheegay Guddoonka labo qodob oo kala ah hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, warbixinta guddiga dib u eegista dastuurka.

Dhanka kale sida ay inoo xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kulanka maanta ayaa u baaqday muran ka taagan ajendaha kulanka uu noqonayo.

Xildhibaanadda mucaaradsan Dowladda ayaa doonaya in kulanka lagu furo ajende ku saabsan xaaladda amaanka dalka gaar ahaan amniga Magaaladda Muqdisho oo qaraxyo ay ka dhaceyn maalmihii dambe.

Kulankii koowaad oo Sabtidii dhici lahaa ayaa u baaqay sidoo kale muran soo kala dhexgalay Xildhibaanadda Baarlamaanka oo doonayay in ajendaha kulanka wax laga badalo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!