Kulanka Golaha Shacabka oo furmay
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Kulanki Afaraad ee Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka Baarlamaanka waxaa soo xaadiray 144 Xildhibaan.
Waxaa Kulanka Baarlamaanka shir guddoominaya Guddoonka Sare ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman.
Shirka Baarlamaanka ayaa looga hadli doonaan Xaalada Amaan ee Dalka Soomaaliya, iyadoo maanta Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshada wata.
Waxaa sidoo kale Kulanka Baarlamaanka lagu dhaarin doonaa Wasiiro dhawaan uu magacaabay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Comments are closed.