Kulanka baarlamanka oo furmay iyo RW Cumar & qaar ka mid wasiirda oo goobjoog ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulanka baarlamanka oo furmay iyo RW Cumar & qaar ka mid wasiirda oo goobjoog ah

Mareeg.com: Kulanka baarlamamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow si rasmi ah uga furmay xarrinta Golaha Shacabka, iyadoo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid iyo iyo golaha wasiirada qaarkood ay ku suganyihiin xaruntaas.

Shirka Baarlamaanka oo ay soo xaadireen 220 Xildhibaan ayaa ajandaha maanta waxa uu yahay in cod loo qaado Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhameystiray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa in uu baarlamaanka ka hor akhriyo barnaamijka xukuumadda ay ku shaqeyn doonto, kana codsado mudanayaasha in ay codka kalsoonida ah siiyaan Golaha Wasiirada.

Kulanka baarlamaanka ayaa maanta dhacaya xilli saaka Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah xildhibaanada oo lagu magaabo C/llaahi Qayaad Barre.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!