Kulan Xasaasi Ah Oo Hada Ka Socda Garoonka Magaalada Gaalkacyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulan Xasaasi Ah Oo Hada Ka Socda Garoonka Magaalada Gaalkacyo

Waxaa hada kulan ay Saxaafada dibadd joog ka tahay uu ka socdaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaana kulan leh gudiyada isku dhafka ah ee dhawaan la magacaabay.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo dhaqan galin lahaa xabad joojintii ay wada gaareen maamulada Puntland iyo Galmudug oo ay dowlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay Goobjooga ka ahaayeen.

Xalay ayaa waxaa weerar lagu soo qaaday Saldhig ay Ciidanka maamulka Galmudug ay ku leyihiin koonfurta Magaalada Gaalkacyo waxaana weerar kaan lagu eedeeyay in Ciidamada maamulka Puntland ay soo qaadeen.

Waxgaradka labada dhinac ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay is xakameeyaan oo ay ilaaliyaan Heshiiskii nabadda ee Gaalkacyo lagu saxiixay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!