Kulan uu Prof. Jawaari isugu yeeray Xildhibaanada ka soo jeeda K/Galbeed oo fashilmay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulan uu Prof. Jawaari isugu yeeray Xildhibaanada ka soo jeeda K/Galbeed oo fashilmay

Waxa maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kulan uu soo qaban-qaabiyey guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cisman Jawaari.
Kulan ayaa waxaa lagu casuumay xildhibaanada laga soo doorto degaanada Koonfur galbeed ee ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka Somalia kuwaasoo tiradoodu gaareyso todobaatameyo.
Ujeedada Kulankan uu ka lahaa guddoomiye Jawaari ayaa aheyd sidii xildhibaanada looga dhaadhicin lahaa deminta mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan ee ay wadaan xildhibaanada Baarlamanka Koonfur galbeed.
Hase ahaatee kulankan oo ahaa mid qado ahaa ayaa waxaa soo xaadiray 27 xildhibaan oo kaliya, iyadoo shan ka mid ah markii ay qadeeyeen ka dib isaga tageen halkaas iyadoo aan hadalkiiba la bilaabin.
Xildhibaanada 22-ka ah ee soo haray oo u badnaa kuwo ka soo horjeeda Madaxweyne Shariif Xasan ayaa kulan gaar ah la qaatay Gudoomiye Jawaari, waxayna ku canaanteen taageerada uu u muujinayo Shariif Xasan, iyagoo ugu baaqay inuu faraha kala baxo arrimaha Maamulka koonfur galbeed, kuna ekaado gudashada waajibaadkiisa Qaran, waxaana kulankan la doonayey in lagu taageero Shariif Xasan uu ku soo dhamaaday fashil.
Dhinaca kale, Madaxweynaha xaalku ku xun yahay ee Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa warar caawa soo baxay waxay sheegayaan inuu maalinta beri ah kulan qado ah isugu yeeray xildhibaanada maamulkiisa ku metela labada aqal si uu taageero uga helo, waxaana lagu qaban doonaa kulankan hotelka SYL.
Sida ay xildhibaanada ka soo jeeda koonfur galbeed uga soo qeyb galaan kulankan ayaa kala cadeyn doonta heerka ay gaarsiisan tahay taageerada uu Shariif Xasan ku leeyahay xildhibaanada federaalka ku metela Maamulkiisa.
Shariif Xasan oo mooshin xilka ka qaadis ah laga diyaariyey ayaa dedaal ugu jira sidii uu xilkiisa u badbaadsan lahaa, waxaana xildhibaanada Koonfur galbeed ee mooshinka wada ay ku eedeeyeen Shariif waxqabad la’aan, ku takri fal awoodeed iyo qodobo kale.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!