Kulan u socdo Farmaajo & Madaxda Xisbiyada

Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia waxaa kulan uu weli uga socdaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xisbiyada siyaasadeed ed kajira dalka

Kulamadaan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee dalka, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta dalka.

Mas’uuliyiinta Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa ay sheegeen in kulamada waxyaabihii kasoo baxa ay Warbaahinta la wadaagi doonaa.,isla markaana ay rajeynayaan inay guul ku dhamaadaan shirarka.

Dhinaca kale
Xisbiga Wadajir  oo ka mid ah Xisbiyada Mucaaraadka ah ee sidda weyn uga soo horjeedda Hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo  ayaa qaadacay kulanka,iyaga oo shuruud kulanka ka qeyb galkiisa ka dhigay in magdhow iyo raali.gelin laga bixiyo weerarlii lagu.qaafay.

About Ardaan Yare 1749 Articles
Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga