Kulan taageero loogu muujinayay Musharax Xildhibaan Maxamuud Cabdi Cali oo Muqdisho lagu qabtay+Sawirro

Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka ENG Maxamuud Cabdi Cali

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad taageero iyo soo dhoweyn loogu muujinayay Musharax xildhibaan Eng Maxamuud Cabdi Cali oo ah murashax u taagan xildhibaannimada baarlamaanka dowladda fedareelka Soomaliya oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Jowhar.

Xafladdaas waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho, aqoonyahano iyo waliba haweenka kuwaa oo kamdi ah dadka ku dhaqan gobalka Banaadir  kana  soo jeeda Hishabelle.

Waxaa dhamaan dadkii kualnka ka soo qeyb galay  ay halkaas ka soo jeediyeen hadallo ku aaddan soo dhoweyn iyo taageero ay u muujinayeen musharax Xildhibaan Eng Maxmauud Cabdi Cali  iyagoo isku raacay in uu yahay shakhsi u qalma inuu ku  matalo kursiga uu u tarmaayo oo ah HOP#003.

Waxaa munsabadda ka hadlay dhalinyarada ka soo qeyb gashay iyagoo sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin mushataxnimada Eng Maxamuud Cabdi Cali iyagoo soo hadal qaaday waxyaabo badan oo uu qabtay isagoo aan xil dowladeed heynin sida minxo waxbarasho oo jaamacadaha dalka ah iyo garab siinta qeybaha kala duwan ee bulshada uu ka soo jeedo.

Ugu dambeyntii waxaa munaasabadda hadal kooban ka soo jeediyay musharax Eng Maxamuud Cabdi Cali  oo uga mahadceliyay dadweynaha soo dhoweynta iyo qaddarinta ay u muujiyeen, waxaana uu ballan qaaday in uu umadda ugu shaqeyn doono si caddaalad ah, islmarkaana uu noqon doono xildhibaan u taagan horumarinta danta guud ee umadda Soomaaliyeed iyo midda gaar ahaaneed ee deegaanada kursiga uu u sharaxnyahay.

Musharax Xildhibaan Eng Maxamuud Cabdi Cali waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo 20-kii sano ee ugu dambeyay qeyb libaax leh ka qaatay kobaca waxbarashada dalka, Maxamuud  waxaa uu sidoo kale ka mid yahay dadka ka shaqeeya horumarinta arrimaha bulshada, islamarkaana sumcad wanaagsan iyo ixtiraam ku leh bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale waxaa iyaduna xusid mudan in Eng Maxamuud uu yahay siyaasi iyo islamarkana la soo shaqeeyay qaar kamid ah hay’adaha kala duwan ee dowladda isagoo qibrad wanaagsan ka helay doorashadii 2016-kii looga adkaaday si musuq maasuq leh taa oo la qiray in uu ku guuleystay balse loo adeegsaday farsamooyin aan sharci aheyn.

Eng Maxamuud Cabdi Cali ayaa ah inta la  ogyahay ah  murashaxa kaliya ee aan isagu doonan xildhibaanimada, laakiinse ay dadweynaha gobolku u soo jeediyeen in uu ku matalo, dabadeedna uu ka aqbalay, taasoo muujinaysa in ay tahay tallaabo wanaagsan oo aan hore loo arag.

Waxaan u rajaynaynaa Xildhibaan Maxamuud in uu Allaah u fudueeyo xilkaas uu u tartamayo , islamarkaana uu noqdo xildhibaan u taagan danaha umadda soomaaliyeed, kana shaqeeya sidii umadda loo mideyn lahaa.

Muqdisho-Somalia