Kulan Sadex Geesood Ah Oo Garowe Ku Dhex Maray Faroole, Cadde Muse Iyo Wakiil Ka Socday UN-ka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulan Sadex Geesood Ah Oo Garowe Ku Dhex Maray Faroole, Cadde Muse Iyo Wakiil Ka Socday UN-ka

Garowe, Mareeg.com: Waxaa maanta xarunta madaxtooyada Puntland kulan ku yeeshay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroore iyo madaxweynihii ka horeeyey Jen. Cadde Muuse Xirsi.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka qeybqaatay Nuuradiin Aadan Diiriye oo ah wakiilka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Kulanka sadexdaan mas’uul ayaa warbaaahintu debad joog, waxaana markii uu kulanku dhamaaday la hadleen warbaahinta.

Nuuradiin Aadan Diiriye oo isagu ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu horreyn saxaafadda la hadlay, wuxuuna sheegay in kulankoodu uu ku saabsanaa sidii la isku fahamsiin lahaa madaxweyne Faroole iyo Jen. Cadde Muuse.

Sidoo kale, Nuuradiin wuxuu xusay in labada mas’uul ay isla meel dhigeen sidii ay uga wada-shaqeyn lahaayeen doorasho xor ah oo Puntland ka dhacda 08-da bisha Jannaayo ee sannadka soo socda 2014-ka.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Maxamuud Muuse Xirsi Cadde ayaa isna dhinaciisa warfidiyeenka la hadlay, isagoo sheegay inay ka go’aan tahay in Puntland ay ka dhacdo doorasho u qabsoonta hab nabdoon.

Madaxweynaha Puntland ee xilligaan, hase ahaatee waqtigiisu sii dhamaanayo C/raxmaan Faroole ahna murashax u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland ayaa hadal uu ka jeediyay shirka jaraa’id ku sheegay inay ka go’antahay in doorashada Puntland ka dhici doonta toddobaadyo kaddib ay noqoto mid lagu wada qanco.

“Waxaan naga go’an mar walba inaan ka shaqeeno sidii Puntland ay uga dhici lahayd doorosho lugu wada qanco, waana ku dadaallayna sidii ay u dhici lahayd doorashada hab xalaal ah u qabsoonta,” ayuu yiri Faroole.

Faroole ayaa hadalkiisa ku daray inuu soo dhaweynayo kulanka uu la qaatay madaxweynihii hore ee Puntland Jen.Cadde, isagoo ku daray hadalkiisa in sidoo kale uu soo dhaweynayo heshiiska ay gaareen isaga iyo Jen. Cadde.

Faroole iyo Jen. Cadde Muuse ayaa aad u kala duwanaa bilihii lasoo dhaafay, iyagoo isku khilaafay muddo kororsigii Faroole iyo arrimaha doorashada ee la sugayo in la qabto 8-da bisha Janaayo ee fooda nagu soo heysa.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.