Kulan looga hadlayay ammaanka degmada Huriwaa oo maanta lagu qabtay xarunta degmadaas * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulan looga hadlayay ammaanka degmada Huriwaa oo maanta lagu qabtay xarunta degmadaas

Mareeg.com-Kulan looga hadlayay ammaanka degmada Huriwaa ayaa maanta lagu qabtay xarunta degmadaas, waxaana kulankan ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, maamulka degmada, dhalinyaro iyo haween.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa halku dhigiisa ahaa qaabka dhalinyarada ku dhaqan degmadaas iyo kuwa Gobolka Banaadir u xoojin karaa nabadgelyada iyo qorshahooda saddexda bilood.

Ugu horeyn waxaa kulanka furay Agaasimaha Xiriirka bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir C/casiis Goodax Barre, oo sheegay inuu aad uga faraxsan yahay inuu kulankan ka soo qeyb galo, isagoo bogaadiyay howlaha hey’adda CCD ka wado magaalada ee ku saabsan wacyi gelinta iyo xoojinta dhalinyarada.

“Doorka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhalinyarada waa wax aad muhiim ah, sida la socotaan is bedelka uu Maamulka ku sameeyay degmooyinka waxaa Gudoomiyeyaal looga rag dhalinyaro oo wax bartay, kan ugu yar wuxuu heystaa shahaado Bachelor, sidaas darteed dhalinyaradu waxay qeyb ka yihiin horumarka dalka.

Agaasimaha ayaa sheegay in dalkan ay dhiseen dhalinyaro, sidaas ay tahayna dhalinyarada ay door ka qaataan nabad ku soo dabaalida dalka iyo sidii dib u dhis ugu sameyn lahaayeen dalkooda.

“Dhalinyarada fikirka qaldan laga dhaadhiciyay, ee qoriga loo dhiibay ee dagaalka la geliyay, midkaas ayaa rabnaa inaan jiheyn u sameyno, waxbarto, laga wacyi geliyo wixii lagu qalday”ayuu yiri Agaasimaha Xiriirka Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Huriwaa Abshir Maxamed Maxamuud oo isna ka hadlay kulankan ayaa sheegay in degmada Huriwaa lagu dhajiyay magac xun oo ah amni daro, waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada degmada in magacaas ay ka baabi’iyaan, kana qeyb qaataan nabadeynta iyo isku xirka bulshada deegaanka.

“Degmada Huriwaa magacaas loo saariyay ee ah in amni daro tahay ayaa rabnaa in magacaas la tir tiro, dhalinyarada u istaagto ka shaqeynta nabada, barnamijka deriseynta la bilaabo, bulshada reer Huriwaa u soo jeestaan nabadeynta”ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka degmada Huriwaa.

Waxaa uu ugu baaqay Hey’adda CCD inay sii wado kulamada iyo is dhex galka bulshada, si dhalinyarada loo baraarujiyo, kana qeyb qaataan xoojinta amniga degmada.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Gudoomiyaha dhalinyarada degmada Huriwaa Xayir Cali Rooble oo sheegay in sida kaliya ee dhalinyarada u taageeri karaan nabada ay tahay in la isku xirnaado, lalana shaqeeyo laamaha amniga, sida booliska iyo nabad sugida, maadaama qof kasta uu nabad u baahan yahay.

Waxaa kaloo kulanka hadalo ka jeediyay qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha dhalinyarada degmooyinka, sida Hodan iyo Wadajir oo ku baraarujiyay dhalinyarada degmada Huriwaa inay gacmaha is qabsadaan, ayna nabadooda xajistaan.

Ugu dambeyn Agaasimaha Xiriirka bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlayay qodob ka mid ah ajandayaashii kulanka ayaa sheegay in qaraxyada iyo dilalka looga hortagi kari wasa shaqeyn, in dadka ay soo sheegaan meelaha qaraxa lagu abaabulo, dhalinyarada ay u howl galaan sidii looga hortagi lahaa falalkaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!