Kulan la filayo inuu Jabuuti ku dhexmaro madaxweyne Xasan iyo Axmed Siilaanyo
Mareeg.com: Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda kulan ku dhexmaro madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo.
Madaxweynaha mamulka Somaliland Axmed Siilaanyo, oo maanta safar ugu bixi lahaa dalka Jabuuti ayaa si kedis ah u hakiyay safarkaas.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay baajinta Safarka Siilaanyo, balse saraakiisha qabanqaabinaysay ee Madaarka Hargeysa iyo warbaahinta oo Madaarka u tagtay soo tabinta Safarka Madaxweynaha ayaa lagu wargaliyay in Madaxweynuhu aanu baxayn.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay u jeedada socdaalka Madaxweynaha ee dalka Jabuuti hase ahaatee wararka laga helayo ayaa sheegaya inuu Jabuuti kula kulmi lahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh.
Waxa kale oo Jabuuti ku sugan gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo la filayo inuu wada hadalada qayb ka noqdo.
Wararka qaar ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid safarka madaxweynaha Soomaaliya, oo ku mashquulay howlaha la xiriira soo magacaabista RW cusub oo la filayo inuu ku dhawaaqo waqtiyada soo socda.
Mareeg Media
Comments are closed.