Kulan dhexmaray wasiirada arrimaha debadda Somalia iyo Cumaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulan dhexmaray wasiirada arrimaha debadda Somalia iyo Cumaan

Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha dibada Somalia Abdirahman Du’ale Bailah ayaa la kulmay dhigiisa wadanka Cumaan waxayna labada mas’uul ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii dowlada Cuman ay garab u siin lahayd dowlada Soomaaliya.

Wargeyska Muscat Daily ee ka soo baxa dalka Cumaan ayaa sheegay in Wasiirka arimaha dibada dowlada Cumaan Yuusuf bin Calawi Bin Abdulah ayaa sheegay in dowlada Cuman ay xoojineyso xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Kulankaan ayay labada mas’uul uga hadleen xaaladaha ammaan ee dalka iyo sidii dowladda Cumaan ay uga qeyb qaadan lahayd nabad ku soo dabaalida dowladda Soomaaliya.

Yuusuf Bin Alawi ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dowladiisa amni ay hesho Soomaaliya madama sida uu yiri waqti dheer labada wadan uu xiriir u dhaxeeyay taariikhi ah ayna ka caawinayaan dowladda Soomaaliya dhanka ammaankka iyo siyaasad wanaaga.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!