Kulan dhexmaray Prof. Jawaari iyo Madoobe Nuunow oo lagu kala booday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulan dhexmaray Prof. Jawaari iyo Madoobe Nuunow oo lagu kala booday

Mareeg.com: Kulan magaalada Baydhabo ku dhexmaray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo kooxda uu hogaamiyo Madoobe Nuunow ee sheegta inuu yahay madaxweynaha maamulka 6-da gobol ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa labada dhinac ee isku haya magaalada Baydhabo ee mid doonaya in la dhiso maamul 6 gobol ah, halka dhinaca kale doonayo in la dhiso maamul 3 gobol ah, kaasoo ay taageersan tahay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Garabka sheegtay Maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban ayaa sheegay in lagu guul-darreystay kulan ay la yeesheen guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Prof. Jawaari, kaasoo ku saabsanaa sidii la isugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyada muransan.

“Natiijo la’aan ayay ku dhammaaday kulan aan la yeennanay Prof. Jawaari kuwaasoo la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo, mana garanayno shirka dib u heshiisiinta ah cidda ka qaybgalaysa ama loo qabanayo,” ayuu yiri C/llaahi Maxamed Idiriis oo ka mid ah xubnahasheegta maamulka lixda gobol.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa Baydhabo kaga dhawaaqay maalin ka hor in dhawaan la qaban doono shir dib u heshiisiineed oo lagu dhameynayo khilaafyada siyaasadeed ee ka jira magaaladaas.

Garabka Madoobe Nuunow ayaa xitaa diidan shirka dib u heshiisiinta ah ee uu ku dhawaaqay Pfro. Jawaari “Shirka dib u heshiisiinta uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka yaa loo qabanayaa? waayo innagu waxaan caddeyneynaa in kulammadii ka dhacay Baydhabo ay guul-darreysteen.” Ayuu yiri C/llaahi Maxamed Idiriis.

Idiris ayaa sidoo kale sheegay inay kasoo horjeedaan in Baydhabo uu yimaado ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed, maadaama sida uu yiri wasiirro aan wax shaqo ah ku hayn arrimahan scoda loo diray Baydhabo, isla markaana aan qaabilsanayn howlaha nabadeed ee Baydhabo laga wado.

Kooxda Madoobe Nuunow ayaa iyagu horay ugu dhawaaqay iney wada hadal la gelayaan madaxweynaha Maamulka Juba, Axmed Madoobe, waxaana xusid mudan in Madoobe Nuunow sheeganayo inuu madaxweyne u yahay sedaxda gobol ee Axmed Madoobe madaxweynaha u yahay ee kala ah: Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!