Kulan Ay Yeesheen Madaxweyne Faroole Iyo Iyo Musharraxiinta Oo Lagu Kala Istaagay

Read Time:1 Minute, 50 Second

Garowe, Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole iyo musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa manta kulan ku yeeshay xarunta Madaxtoyada Puntland ee Garowe.

Dhamaan musharaxiinta u taagan jagada Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka ee ku sugan Garoowe ayaa kulanka soo xaadiray halka uu Madaxweyne Faroole uu ku weheliyey ku xigeenkiisa Cabdi Samad Cali Shire.

Shirkan oo isugu jira qado sharaf Madaxweynuhu sameeyey iyo shir albaabadu u xiranaayeen ayaa ahaa mid la qorsheeyey hindisihiisuna ka yimid Musharixiinta, Madaxweynaha ayaa ku soo dhaweeyey xarunta Madaxtooyada Musharixiinta waxaana uu mid mid u gacan qaadey Musharixiinta iyaga oo erayo kaftan ah is dhaafsanayey.

Soo dhaweynta kadib waxaa saxaafadda la wada hadley Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo Gen.Cabdullaahi Siciid Samanter oo wakiil ka ahaa musharixiinta kale oo dhan.

Madaxweynaha ayaa sheegey in ay maanta farxad u tahay dhankiisa rag aysan soo wada shaqeeyeen laakiin muddo aysan is arag u maanta ku soo dhaweynaayo, farxad ayeyna ii tahay ayuu yiri, waxaa ka mid ah raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, waana sharaf in kurisgaan dad caynkaas oo kale ah u tartamaan ayuu yiri Madaxweyne Faroole.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegey in uu qado sharaf u sameeyey, kadibna ay wada hadlayaan oo ka hadlayaan danaaha Puntland.

Musharax Gen. Cabdullaahi Siciid Samanter ayaa dhankiisa sheegey in Puntland aysan u baahneyn khilaaf iyo wareer, doorasho xalaal ah oo lamid ah tii 2009 ay rajeynayaan in ay dhici doonto ayna diyaar dhankooda u yihiin sidii Puntland ay uga gudbi lahayd caqabadaha jira.

Intaas kadib saxaafada ayaa kulanka banaanka looga saaray iyadoo Madaxweynaha & Musharaxiintu yeesheen kulan albaabadu u xiranyihiin oo weli socda.

Shirka madaxweyne Faroole iyo musharraxiinta ayaa soo gebageboobay, waxaana la sheegay in musharraxiintu Faroole u gudbiyeen dhowr qodob, waxaana ka mid ahaa in guddiga Xalinta Khilaafaadka Madaxweynhu soo magacaabo 4, halka ay iyaguna soo magacaabayaan 3-da kale, taas la sheegay iney la isla garan waayey oo markiiba lagu kala boodey

Musharixiinta ayaa markaas kadib ka tegay madaxtooyada waxeyna shir saxaafadeed ku qabteen xarunta PDRC, waxeyna sheegeen in la isku mari waayey qaar ka mid ah qodobadii laga wada Hadley.

Musharixiinta ayaa lasoo sheegayaa iney kulak u leeyihiin xarunta PDRC, kaas oo ay go’aamo ka soo saari doonaan sida ay warbaahinta u sheegeen.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %