Kulan Ankara ku dhexmaray Faarax C/qaadir iyo R/wasaare ku-xigeenka Turkiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulan Ankara ku dhexmaray Faarax C/qaadir iyo R/wasaare ku-xigeenka Turkiga

Mareeg.com: Sii-hayaha xilka wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabduqaadir oo booqasho ku jooga Turkiga ayaa maanta magaalada Ankara kula kulmay raysul wasaare ku-xigeenka dalkaas, Numan Kurtulus.

Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa kala hadlay raysul wasaare ku-xigeenka xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Turkey ay u sii wadi laheyd taageerada ay u fidiso Soomaaliya.

Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii loo horumarin lahaa mashaariicda horumarinta ee Turkiga uu ka wado Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo Faarax Sheekh Cabuiqaadir ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga, iyagoo shalay kulan la qaatay wasiirka caddaaladda ee dowladda Turkiga, Bekir Bozda.

Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa qeyb ka ah wafdiga uu hoggaaminayo, Faarax Sheekh Cabduqaadir ee ku sugan Turkey.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!