Kulamo lagu xalinayo tabasho ay qabaan qaar ka mid ah beelaha oo ka  * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulamo lagu xalinayo tabasho ay qabaan qaar ka mid ah beelaha oo ka 

Kulamo lagu xalinayo cabashooyinka qaar ka mid ah beelaha dega gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa ka soconaya magaalada Jowhar halkaasi oo ay taallo gogasho Maamul u sameynta labada gobol.

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xalin lahaa tabashooyinka beelaha qaar ay qabaan, iyadoo ay jirto kulamo gaar gaar ah oo lala yeelanayo qaar ka mid dadka tabashada qabo.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee gobolka Shabeelaha Dhexe Abuukar Maxamed Bacadle ayaa ku soo waramaya in Wasaaradda Arrimaha ay maanta u qabatay beelaha inay ku soo gudbiyaan odoyaasha dhaqanka ee shirka uga qeyb galaya, si loo sii ambo qaado wajiga labaad ee shirka ee dhawaan halkaasi ka furmay.

Ciidamada amniga ayaa si aad ah u adkeeyay nabadgelyada degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!