Kulamo lagu xalinayo Dowladda federaalka & Puntland oo bilaawdey

Read Time:45 Second

Bilihii la soo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay Wasaaradaha Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland,kaas oo ka dhashay Imtixaanka ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu ay tahay Puntland ayaa waxaa ay muqdisho ka bilaabeen kulamo xal loogu raadinayo khilaafkaas.

Xildhibaannada oo qaarkood kamid ah golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa,Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xubno kale,waxaana ay iska wareysteen sidii isfaham loo dhex dhigi lahaa Puntland iyo Wasaarada Waxbarashada ee Federaalka, iyo sidii iyaga oo mideysan ay Muqdisho ugu soo dhaweyn lahaayeen Wafdi Isimo leh oo imaanaya.

Puntland ayaa horey u sheegtay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay Shahaadada dugsiga Sare u diidey Ardayda Puntland,waxana wasiir Goodax Barre oo ka jawaabayey uu sheegay in ilaa iyo imtixaanka dowladda a ka galaan aan la siin doonin.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %