Kulamo Iska Soo Hor Jeeda Oo Ka Socda Cadaado Iyo Dhuusamareeb * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulamo Iska Soo Hor Jeeda Oo Ka Socda Cadaado Iyo Dhuusamareeb

Madaxda ugu sarreysa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa ay kulamo gooni gooni ah uga socdaan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo kula qaatay Dhuusamareeb waxgaradka ku dhaqan magaaladaasi.

Waxaana diirada lagu saaray kulamadaasi khilaafka ka soo cusboonaday Galmudug ee u dhexeeya mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Sidoo kale magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa kulamo ka wada madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabey iyo sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Kulamadaasi ayaa mas’uuliyiintu waxa ay la qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiin si weyn u dhaliilsan madaxweyne Xaaf.

Labada garab ayaa midba mid ka kale eedeymo u jeedinaya, inkastoo ay socdaan dadaallo lagu xilanayo khilaafkooda.

Khilaafka haatan ka taagan Galmudug ayaa ka dhashay sida la sheegay isku darkii baarlamaanada Ahlsunna iyo Galmudug.

Labada garab ayaa midba mid ka kale eedeymo u jeedinaya, inkastoo ay socdaan dadaallo lagu xilanayo khilaafkaasi.

Khilaafka haatan ka taagan Galmudug ayaa ka dhashay sida la sheegay isku darkii baarlamaanada Ahlsunna iyo Galmudug.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!