06/11/2013-Gudiga Wasiirada ee shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay xubnaha ergooyinka Jubooyinka ee shalay daqiiqadihii u dambeeyay shirka is khilaafay.
Kulamadan ayaa ujeedkooda ahaa in lagu qanciyo in dhinacyada ergooyinka ee kala matalaya labada dhinac waa Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe iyo isbaheysiga kale ee ka soo horjeeda inay isku fahmaan qodobada heshiiska ee shalay muranka ka dhashay.
Wararka ayaa sheegaya ergooyinka ka socday dhinacyadii kula dagaalamay Kismaayo Axmed Madoobe ay ka soo horjeesteen qodobada qaar sida amniga, maamulka iyo saxiixa heshiiska oo la diiday in xubin dhankooda ka socda uu saxiixo war murtiyeedka.
Axmed Madoobe ayaa markii hore ku adkeysanayay in war murtiyeedka uu saxiixo mid ka mid ah xubnaha Gudiga Wasiirada sida wasiirka arrimaha gudaha, hase ahaatee ergadii kale ay ka diideen, isla markaana ay sheegeen in waxa la heshiisiinayo aanay aheyn dowladda iyo Axmed Madoobe.
Sidoo kale qodobada kale ee la isku qabtay ayaa ah in xubnahan ergooyinka ee isbaheysiga ah in xubno ayaga dhankooda loogu daro maamulka, si lagu dhameystiro, dib u heshiisiintana ay u dhaxal gasho.
Qodobada qaar ee la isku hayay ayaa la soo jeediyay in dib loogu dhigo shirka wajiga labaad ee Kismaayo ka dhacaya, waxaana qodobkaas ka mid ah isku dhafka ciidamada iyo xareyntooda.
Inkastoo maanta la filayo in la qabto xaflada xiritaanka shirka ayaa hadana waxaa socda kulamada dhinacyada lagu qanciyo, si ugu dambeyn la isugu raaco heshiiska, lana soo saaro war murtiyeedka.
Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya Dr Tedros Adhanom oo xalay ku hoyday magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo xaflada xiritaanka shirka oo laga yaabo inay gaarto ilaa gelinka dambe e maanta.
Hotelka Jazeera ayaa waxaa iminka ka socda qaban qaabada xaflada xiritaanka shirka oo ay ka soo qeyb galayaan madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.