Muqdisho: Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson ayaa maanta barqadii booqasho rasmi ah ku tegay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Mr. Jan Eliasson waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aaden Cabdulle kusoo dhaweeyey R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Fowsiya Yusuf Xaaji Aden, Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiim Maxamuud Xaaji Faqi, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda, Taliyaha Boliiska, Taliye ku xigeenka Nabad sugidda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ku Xigeenka Xoghayha Guud ee Qarama Midobay Jan Eliasson ayaa kulan gaar ah Airport-ka Muqdisho kula yeeshay Wasiirka arrimaha Dibadda Fowsiya Yuusuf Xaaji Adan iyo Wasirika difaaca Soomaaliya C/xakiim Xaaji Fiqi.
Kulanka ay wada yeesheen masuuliyiintaasi kadib, ayaa waxaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobya Mr. Jan Eliasson iyo wasiirka arrimaha Dibadda Drs. Fowsiya Yusuf Xaaji.
Mr. Eliasson ayaa xusay inuu aad ugu faraxsanyahay in muddo 21-sano ah ka dib uu booqasho ku yimaado caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo si weyn ugu ammaanay dowladda Soomaaliya horumarrada ay ka gaartay dhinacyada amniga iyo Horumarka.
Ku Xigeenka Xoghayha Guud ee Qarama Midobay Jan Eliasson ayaa xusay in ujeeddada booqashadiisa Muqdisho ay tahay sidii uu ugu kuurgeli lahaa horumarrada jira, islamarkaan ay Qaramada Midoobay ka go’antahay inay sii laba jibbarto tagaeerada ay siinayso dowladda Soomaaliya iyo shacbiga Soomaaliyeed.
Ku Xigeenka R/wasaaraha ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya Drs. Fowsiya Yuusuf Xaaji Aaden oo iyadana la hadashay warbaahinta ayaa tilmaantay in Mr. Jan Eliasson uu Muqdisho ku yimid casunaad rasmi ah oo wasaraadeedu u fidisay xilli ay booqanaysay Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay.
Wasiir Fowsiyo Yuusfu Xaaji Aadam ayaa intaas ku dartay in Mr. Jan uu door muhiim ah ka qaadan doono difaacidda warbixin ku saabsan sida wax loogu qaban karo ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya, taaso 30-ka bishan lagu soo bandhigi doono Shirka Golaha amniga ee Qaramada Midoobay.
Booqashada wefdigan uu hogaaminayo ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa qaadan doonta muddo laba cisho ah iyadoo la filayo inuu islamaantana Xarunta madaxtooyada kula kulmo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheikh Mxamuud.
Xog-hayaha guud ee Qaraamada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa dhamaadkii sanadkii 2011 booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Mareeg.com