Ku Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo gaaray Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ku Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

Mareeg.com: Wafdi ballaaran oo uu hogkacayo kuxigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Raysadhon Sanayga ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo wafdigan ay si diiran usoo dhaweeyeen madaxweeynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

Wafdiga ayaa hoolka shirarka madaxtooyada Jubbaland kulan ay saxaafaddu dibadjoog ka ahayd kula qaatay madaxweeynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, waxaana markii ay kulamadu soo dhamaadeen si wadajir ah saxaafadda uga warbixiyay madaxweeynaha Jubbaland iyo kuxigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxdani ayaa waxa ay sheegeen in kulamadoodii ay uga wada hadleen arimo ay kamid yihiin sidii loo dardargelin lahaa dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, arimaha dib u heshiisiinta iyo weliba sidii loo dhisi lahaa ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA).

2015514635671894884479220P1150620

Ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Raisadon Sanaiga ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay horumarka ka muuqda magaalada Kismaayo, isagoo xusay in intii uu soo dhexmarayay magaalada uu ku arkay horumar baaxad leh oo dhanka dhismaha ah, waxa uuna sheegay in ay u yimaadeen sidii maamulka Jubbaland ay ugu boorin lahaayeen dardar gelinta nabadda, horumarka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Booqashada wafdiga ka socda Qaramada Midoobay uu ku yimid magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan la caleemosaaray gudoonka Baarlamanka cusub ee Jubbaland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!