Ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo tegay Muqdisho

WARSAXAAFADEED 

Muqdisho, 22 Janaayo 2015 – Ku-Xigeenka Cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG), Md. Raisedon Zenenga, ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho si uu ula wareego xilkiisa ee Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan fursaddan u helay inaan dib ugu soo noqdo Soomaaliya kuna taageero himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah inay helaan mustaqbal nabad ah, xasilloon oo barwaaqo ah. Arrintaas waxaa horyaalla dhibaatooyin waaweyn, laakiin waa inaan ka wada shaqeynaa sidii aan horey u sii wadi lahayn horumarka ay dadka Soomaaliyeed doonayaan inay arkaan.

“Maalmaha soo socda, waxaan ku hanweynahay inaan la kulmo mas’uuliyiin ka socota Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka, AMISOM iyo IGAD, iyo weliba saaxiibo kale oo badan oo aan ka wada shaqeeyno nabadaynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya,” ayuu yiri KU-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah Zenenga.

Isagoo raacaya waajibaadka UNSOM, Md. Zenenga wuxuu ka shaqeyn doonaa taageerada loo fidiyo arrimada mudnaanta leh ee dhanka siyaasadda, xuquuqda aadanaha, sarreynta sharciga iyo kala dambeynta iyo hay’adaha amaanka. Md. Zenenga wuxuu aqoon dheer u leeyahay hanaanka siyaasadda iyo dhexdhexaadinta; karti la hubo ee maareynta hawlgallada nabad-ilaalinta; wuxuuna waayoaragtinimo durugsan u leeyahay la shaqeynta dowladaha iyo dhinacyada kale ee muhimka ah ee ay arrintu khuseyso ee xaaladaha colaadda iyo colaadda ka dib intaba. Wuxuu 30 sanno la soo shaqeeyay Qaramada Midoobay, dowladaha iyo diblumaasiyada. Wuxuu 21 sanno oo ka mid ah 30kaa sanno Qaramada Midoobay kala soo shaqeeyay Liberia, Ciraaq-Kuwait, Sierra Leone, Soomaaliya iyo Xarunta Qaramada Midoobay.

Md. Zenenga wuxuu bedelayaa Mw. Faatixa Serour uu dhalatay Algeria oo dhammeysatay xilkeedii ay u haysay UNSOM bishii Nofembar 2014. Xoghayaha Guud ayaa soo magacaabay Md. Zenenga bishii Disembar 2014. Ka hor intaan xilkan loo soo magacaabin, wuxuu hayay xilka Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah (Siyaasadda) ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan (UNMISS).

DHAMAAD

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245