Ku Dhawaad 10 Kun Oo Gaadiidleyda Muqdisho Oo Maanta Shaqo joojin sameeyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ku Dhawaad 10 Kun Oo Gaadiidleyda Muqdisho Oo Maanta Shaqo joojin sameeyay

Waxaa saakay shaqo joojin sameeyay Gaadiidleyda ka shaqeysa Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Sida aan wararka ku heleyno Gaadiidleyda Wadooyinka Muqdisho ayaa ka cabanaya amar ka soo baxay Wasaarada Gaadiidka dowlada Soomaaliya oo ku amartay  in ay galaan Ceymis ayna iska bixiyaan lacagaha Ceymiska ee laga doonayo.

Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta aan lagu arkin wax Gaadiid ah oo ka shaqeya kadib markii ay sheegeen in laga qaadaayo lacago aad u farabadan oo aysan awoodin.

Qaar kamid ah wadayaasha Gaadiidka dadweynaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan Awoodin bixinta lacagta faraha badan ee lagu soo rogay waxaana ay sheegeen in ay go’aan ku gaareen in shaqada ay joojiyaan.

Ku dhawaad 10 Kun oo Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya Magalaada Muqdisho ayaa maanta shaqo joojin sameeyay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!