Korneyl Caare oo la heshiiyey Soomaaliland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Korneyl Caare oo la heshiiyey Soomaaliland

Korneyl Siciid Jaamac Caare oo hoggaaminayey Jabhad dagaal kula jirta Soomalailand ayaa ogolaaday heshiis uu la galo Soomaaliland,kadib markii soo jeedin ay uga timid Xukuumadda Soomaaliland iyo Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa.

Ergo ka kala socotay Xukuumadda Soomaaliland iyo Beeshiisa ayaa wadey wada-hadallo lagu xalinyaayey labada dhinac,iyaga oo ku guuleystay inay Ciidamada Caare kasoo saaraan Buurihii ay ku jireen ee ku yaalla duleedka Magaalada Ceerigaabo.

Sidoo kale wararka soo baxaya qodobadii lagu hehsiiyey ayaa waxaa ay sheegayaan inay kamid yihiin in Caare uu ogolaadey in uu aado dalka dibadiisa,sidoo kale la siiyo lacag laga soo qaaday Xukuumadda Soomaaliland taas oo dhan 300,00 oo Dollar.

Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Ciidamada Korneyl Caare lagu biiriyo Ciidamada Soomaaliland oo ku sugan deegaannada Soomaaliland oo markii hore ay ka goosteen.

Jabhadda Korneyl Caare ayaa waxaa ay Saldhigyo ku leeyihiin deegaano ka tirsan Waqooyiga Gobolka Sanaag, iyaga oo dhowr mar weeraro ku qaadey Xarumo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Soomaaliland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!