Kormeerayaasha caalamiga ah ee dusha kala socday doorashadii Isniintii ka dhacday Somaliland ayaa sheegay inaysan arkin khaladaad waaweyn oo wax u dhimaya hanaanka ay doorashadu u dhacday Balse waxay tilmaameen inay jiraan arrimo dareen leh.
Hadalkan ayaa imaanaya ayadoo la sugayo in lagu dhawaaqo natiijada kama dambaynta ah ee doorashada madaxtinimo ee maamulka Somaliland.
Korjoogtada oo maanta Hargeysa ku qabtay shir jaraa’id waxay ka hadleen aragtida ay ka qabaan sida ay doorashada madaxtinimada ee Isniintii u qabsoontay.
Korjoogtada oo ay maalgeliso Briatian waxay ka kooban yihiin 60 xubnood oo ka kala socda 27, waxay sheegeen in ay jiraan arrimo ay welwel ka qabaan oo ay arkeen markii ay kormeerayeen doorashada.
Waxay soo hadal qaadeen in dad aan qaangaar ahayn ay codeeyeen, goobaha codbixinta qaar oo aan la raacin nidaamkii codaynta, iyo xiritaanka baraha bulshada”.
“Waxaanu aragnay khaladaad ku saabsan hannaanka codbixinta iyo weliba tirinta, balse waxaan inoo cadaatay in khaladaadkaasi ay yaraayeen oo aanay saameyn ku yeelan karin hannaanka guud ee doorashada.” ayuu yiri Michael Walls oo ah madaxa korjoogtada
“Waxaan is tusnay in doorasho kaste oo caalamka ka dhacda aanay boqolkiiba boqol ahayn (mid hameystiran) sidaa awgeedna doorashadan ay leedahay waxyaabo badan oo la wanaajin karo”, ayuu hadalkiisa ku daray, Mr Walls.
Korjoogtadu horey waxay sidoo ka hadleen xiritaanka baraha bulshada oo hawada ka maqan tan iyo markii la soo gebagebeeyey codbixinta.
“In la xiro baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa ah tallaabo adag, waxayna xadideysaa xorriyadda ay dadka u haystaan inay aragtidooda cabiraan, taasoo ah wax ay ogol yihiin shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri madaxa korjoogtada.