Kormeer Lagu Sameeyay Kontoroolada Laga Soo Galo Muqdisho + Sawirro

Read Time:45 Second

Baraha Kontoroolada laga soo galo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay Kormeer ku tagay Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta,iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta kormeerka xalay ay ku sameeyeen baraha kontoroolada laga soo galo Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ahaa oo ku welinaayay Kormeerka Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda.

Goobaha ay Taliyeyaasha xalay kormeerka ku mareen ayaa waxaa kamid ahaa Gubadley, Shineemo Cabdi waayeel, Ex-Kontarool Balcad, Ceemiska, Carafaad, Qabuuraha Barakaat, Deyniile, Tareedisho, Ex- Kontarool Afgooye iyo Kaxda, kuwaasi oo fadhiyo iyo Baro Kontarool ay u tahay Ciidanka ammaanka.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac (Keynaan) ayaa xalay bogaadiyay howsha qaranka u hayaan ciidankii ku sugnaa kontoroladii ay kormeerka ku mareen,isla markaana kula dardaarmay in shaqadood ay sii laba jibaaran.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %