Kooxo hubeysan oo xalay Boosaaso ku dilay Maareeye kuxigeenka Shirkadda Golis

Read Time:27 Second

Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ku dilay Maareeye kuxigeenkii Shirkadda Isgaarsiinta Golis C/llaahi Cali Cumar.

Marxuumka ayaa la dilay xilli uu ka soo baxay salaadii cishaha masaajidka Rowda ee magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in kooxihii hubeysnaa ay baxsadeen markii ay toogteen, iyadoo markii dambe ay goobta soo gaareen Ciidamada ammaanka.

Mas’uuliyiinta magaalada Boosaaso ayaa ka hadal dilka xalay ka dhacay, sidoo kale lama oga cidda ka dambeysay.

Dilalka ay fuliyaan kooxaha ku hubeysan bastooladaha ayaa ku soo badanayay magaalada Booosaaso ee Gobolka Bari.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.