Kooxo Hubeysan oo xalay Baydhabo ku dilay Wadaadkii labaad oo caan ahaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kooxo Hubeysan oo xalay Baydhabo ku dilay Wadaadkii labaad oo caan ahaa

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Wadaad caan ah oo ka mid ahaa Culumaa’udiinka Ahlusuna lagu dilay.

Sida ay sheegayaan wararka Kooxo hubeyan ayaa Sheekh Xuseen Xasan oo loo yaqaanay (Soor-ma-dare) ku dilay Masaajid ku yaal xaafada Bardaale ee magaalada Baydhabo, markii la dukaday Salaadii cishaha.

Ragga ka dambeeyay dilkan oo la sheegay inay ahaayeen labo dhalinyaro ayaa baxsaday, iyadoo sidoo kale dhaawacay wiil uu dhalay Wadaadkan oo la sheegay inuu salaadii cishaha uu soo Tujiyay.

Sheekhan la dilay ayaa ka mid ahaa Gudiga xalinta khilaafaadka, waxaana uu ka qeyb qaadan jiray arrimaha dib u heshiisiinta beelaha.

Ciidamada Booliska ayaa howl gallo ballaaran xalay ilaa saaka ka sameeyay Xaafada Bardaale, waxaana ay ku raad-joogaan kooxihii dilkan ka dambeeyay.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii isla magaalada Baydhabo lagu dilay wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Shariif Sayidkey.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!