Kooxo hubeysan oo weeraray Fariisin ay leeyihiin Ciidamada Dowladda
Aroornimadii hore ee saakay ayaa rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab waxaa ay weerareen Koontoroolka Baar Ismaaciil,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya.
Weerarka,kadib ayaa waxaa la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo ururka Al-Shabaab,kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Saraakiil katirsan Hay’adaha Ammaanka ayaa waxaa ay shegeen inay is difaaceen weerar kaga yimid dhinaca Al-shabaab,isla markaana ay ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya Koontoroolka Baar Ismaaciil ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay dib u furmeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka.
Comments are closed.