
Read Time:21 Second
Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Bartamaha degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal waxaa ay ku toogteen mid kamid Macalimiinta wax ka dhigi jirey Iskuul ku yaalla degmadaas.
Macalinka oo dhaawac culus oo soo gaarey u geeriyoodey ayaa waxaa lagu Magacaabi jirey Macalin Maxammed Hayaan Geelle,waxaana goobta ka baxsadey kooxihii dilka geystay.
Weli lama oga dadkii ka dambeeyey dilka Macalinka iyo sababta loo diley,waxaana ka tacsiyadeeyey Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland.