Kooxo hubeysan oo Nabadoon ku diley Boosaaso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kooxo hubeysan oo Nabadoon ku diley Boosaaso

Nabadoonka oo lagu Magacaabi jirey  Cismaan Axmed Askar ayaa la sheegay in rag ku hubeysnaa bustoolado ay toogteen xili uu ku sugnaa xaafada New Boosaaso,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Mid kamid ah dadka ku nool Boosaaso ayaa sheegay in Nabadoonka aad looga yaqaanay gobolka Bari iyo Guud ahaan Puntland,balse ay ka warheleen rasaas ka dhaceysa agagaarka hoygiisa,kadibna la ogaaday in Kooxo hubeysan ay dileen Nabadoonka.

Ehelada Nabadoonka la diley ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo goobta ka qaaday meydka,waxaa sidoo kale tegay Goobta Ciidamo katirsan Booliska Puntland, iyaga oo sameeyey howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay Nabadoonka,iyada oo weli sidoo kale aysan ka hadlin laamaha Amniga Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!