Kooxo hubeysan oo goor dhow Ganacsade Caan ah ku dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kooxo hubeysan oo goor dhow Ganacsade Caan ah ku dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Eng. Cumar Cabdulle Maxamed ”Cumar Dheere” oo ka mid ahaa ganacsatada ugu caansan gobolka Mudug.

Marxuumka ayaa xiliga la tooganaayay kasoo baxay Masjid uu ku soo dukaday Salaada Maqrib, waxaana iridka hore ee masjidkaasi ku sugaayay Kooxda oo dhowr rasaas kaga dhuftay qeybta sare ee jirkiisa.

Masjidka lagu hor dilay marxuumka ayaa ku yaala koonfur bari ee magaalada Gaalkacyo.

Cumar Cabdulle Cismaan, ayaa wuxuu xilligaan ahaa Maareeyihii Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ee Gobolka Mudug.

Ciidamada Maamulka Puntland oo daqiiqado ka dib gaaray halka uu dilku ka dhacay, ayaa waxay ka wadaan hawlgal ka dhan ah raggii dilka gaystay.

Ma jirto wali cid sheegatay dilkan,dowladda iyo hay’adaha ammaanka wali kama soo bixin wax war ah,walow uu dilka dhacay waqti yar ka hor.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!