Mareeg Media
Somalia

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Suuqa Bakaaraha

War hadda soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Goordhow Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Daawadda ay ku dileen rag ku hubeysan bustoolado Nin Oday ahaa.

Ninka  la dilay ayaa wararku sheegayaan in uu kamid ahaa dulaaleyda Dhulalka iyo guryahaa,Isla markaana raggii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay gaareen halka uu dilka kadhacay,iyaga oo halkaasi ka sameeyey howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Majirto cid weli sheegatay dilkiisa iyo sababta loo dilay waxaa sidoo kale dilkaasi ka hadlin laamaha amniga Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!