Kooxo hubeysan oo Abuukaate ku toogtay Muqdisho

Read Time:36 Second

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in nin lagu sheegay Abuukaate ay ku dileen Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo magaciisa lagu soo koobay Xasan Dheere, ayaa dabley ku hubeysnaa bistoolado waxey ku dileen nawaaxiga Saldhiga Degmada Yaaqshiid, sida Wariye Maxamed Jimeeka uu sheegay.

Wariye Maxamed ayaa waxuu intaasi ku daray in raggii ka dambeeyay falkaasi ay isaga baxsadeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo la xiriira dilkii ka dhacay Degmada Yaaqshiid.

Weli majiro cid sheegatay mas’uuliyada dilkii ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Caasimada Soomaaliya.

Dilkan ayaa waxuu imaanayaa iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kulan dhanka amniga uu Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyeyaal Degmo kula yeeshay Magaalada Muqdisho.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %