Kooxdii Xidigaha Geeska oo la sii daayay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kooxdii Xidigaha Geeska oo la sii daayay

September 30 (Mareeg.com)— Afartii Fanaan ee Kooxda Xidigaha Geeska ayaa goor dhow xabsiga laga sii daayay, kadib amar ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo ku saabsanaa in la sii daayo Fanaaniintan.

Fanaaniintan oo kala ahaa Nicmaan Hilaa, Xamda Queen, C/raxmaan Oday, iyo Maxamed Axmed Bakaal Cirro ayaa la xiray maalinimadii Axadii, kadib markii ay ka soo laabteen magaalada Muqdisho, oo ay maalmihii Ciida bandhig faneed ku dhigeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa waxaa uu ku wargeliyay Booliska in Fanaaniintaas xoriyadooda loo soo celiyo.

Fanaaniintan oo shalay Maxkamad la horkeenay ayaa muddo todobaad Maxkamaddu amartay in xabsiga lagu haayo, kadib markii la keeni waayay cadeymo dhameystiran oo ku saabsan xarigooda.

Qoraalka Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa lagu sheegay in Booliska uu ku guuldareystay inay Maxkamadda horkeenaan sabab sharci ah oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan cadeymaha la xiriira xarigooda oo faah faahsan.

Qoraalka Maxkamadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dastuurka Somaliland, gaar ahaan qodobkiisa 25aad uu damaanad qaadayo xoriyada aas aasiga aee qofka, isla markaana ay reeban tahay in aan qofna xoriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.

Maxkamadu waxay sheegtay inaanay banaaneyn in qofna la qabto, la baaro, ama la xayiro haddii aanu markaasi denbi faraha kula jirin , ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo xirin garsoore awood u leh.

Wasiir ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa hore u sheegay in afartan fanaan ee Xiddigaha Geeska loo xiray iyagoo kaga soo qayb galay Muqdisho barnaamij ka soo horkeeda madaxbanaanida Somaliland.

Xariga Fanaaniintan ayaa waxaa hadal heyntiisa hareysay baraha bulshada oo dadka siyaabo kala duwan uga hadlayeen, waxaana dadka ay fariimo iska soo horjeeda soo gelinayeen barta Facebook, waxaana fariimaha qaar ka mid ahaa Fanaaniin qaarkood ku baaqayay in la sii daayo afarta fanaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!