Mareeg.com: Kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen ayaa dagaal kula wareegay xarrumaha dowladda dalkaas oo ay ku jirto xarrunta madaxtooyada ee ku taallada maagalada caasimadda ah ee Sanca.
Hogaamiyaha kooxda la wareegtay xarrumaha dowladda, C/malik Al-xuuthi oo TV-ga dadka kala hadlay ayaa ku eedeeyey madaxweyne C/rabi Mansur Haddi inuu danihiisa gaarka ah ka hormariyey danaha guud.
Lama hoga halka uu ku sugan yahay madaxweyne C/rabi Mansuur Haddi, waxaase jira warar sheegaya inuu joogo guri uu ku leeyahay Sanca.
Waxaa jira warar sheegaya in kooxda Xuuthigu dooneyso iney ugu gasho gurigiisa, islamarkaana ay madaafiic halkaas ku garaacayaan.
Kooxdan oo markii hore kusoo aasaamay gobolka Sacda ayaa taageero ka hela dalka Iran. waxeyna soo xoogeysteen wixii ka dambeyey markii uu xilka ka degay madaxweynihii hore ee dalkaas, Cali Cabdalle Saalax.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.