Kooxda Qaramada Midoobay ee kormeerka hubka Soomaaliya oo tiri “Hub ayaa loo weeciyey Alshabaab”

Muqdisho – Mareeg.com: Warbixin qarsoodi ah ay soo saareen kooxda UN-ka u qaabilsan kormeerka cunaqabteynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan xakameyn Karin hubka la siiyo ama ay soo iibsato.

Qaar ka mid ah hubka ee la aaminsan yahay in ay loo weeciyey dhanka Alshabaab, iyadoo warbixinta oo Reuters heshay lagu xusay in hub ay leedahay dowladda Soomaaliya loo geeyey sarkaal ka tirsan Alshabaab.

Warbixinta oo ka koobneyn 14 bog ayaa guddiga Golaha Ammaanka ee QM u qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka Soomaaliya iyo Eritrea ku talinayaa soo celinta cunaqabateynta hubka Soomaaliya ama ugu yaraan la adkeeyo qaabka hubkaas loo maamulayo.

Kooxda Monitoring Group ayaa muujisey sida ay uga walaacsan yihiin qaabka loo maamulo hubka iyo kaydka rasaasta dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Kooxda ayaa sheegtay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku xadgudbeen qaabka loo maamulo hubka ay soo iibsato dowladda Soomaaliya, iyagoo xusay iney u weeciyeen meelo khaldan.

Warbixintu waxay sheegtay in la-taliye muhiim oo ku dhow madaxweynah Soomaaliya uu lug leeyahay hub loo weeciyey hoggaamiye ka tirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Sheikh Yusuf Isse (Koba-ku-tukade).

Kooxda UN monitoring ayaa la sheegay in warbixintooda ay ku xuseen in hub laga soo qaaday dal ku yaalla Khaliijka oo aan lala socodsiin kooxda la geeyey Muqdisho, iyadoo hubkaas lagu xareeyey bakhaar si gaar ah loo maamulo oo ku yaala Muqdisho.

Kooxdan ayaa sidoo kale dood ka qaba ineysan xisaab laheyn hubka Soomaaliya kazoo gala dhanka dalalka Uganda iyo Jabuuti oo labadaba ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Kooxda UN monitoring ayaa ku doodaya in is burin ka jirto hubka dowladda Itoobiya usoo dirto Soomaaliya.

Warbixinta qarsoodiga ah ee kazoo baxday Kooxda UN monitoring ayaa lagu soo beegay xilli bil kadib Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay mar kale ka doodayaan fududeynta cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo sanadkii hore yara la fududeeyey.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245